Somali News

MW Jubbaland iyo Safiirka Sweden oo kawada hadlay muranka doorashada

Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam,  ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander.

Kulanka  waxaa looga hadlay xaaladda uu dalka marayo, gaar ahaan arrimaha Doorashada, iyo sidii xal looga gaari lahaa muranka doorashada  ee weli taagan.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay caqabadaha hortaagan iyo sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirweynaha Doorashada .

Beesha Caalamka ayaa wada dedaalo xooggan, kuwaasi oo ku aadan sidii ay loo qaban lahaa lahaa shir loo wada dhanyahay, kaasi oo looga tashanayo xallinta khilaafka hareeyay doorashada Soomaaliya.