Somali News

MW Xasan Sheekh oo sheegay Cuna-qabateynta hubka ay caqabad ku tahay dagaalka Al-shabaab.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ka shaqeynayso sidii loo qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka ee saaran dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la bilaabay sidii loo hagaajin lahaa Nidaamka diiwaan galinta hubka soo gala dalka, isla markaasna la mamnuucay hubkii sidii sharci darrada ahaa loo keeni jiray wadanka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in haddii cune-qabateynta laga qaado dalka ay suuro-gali karto in si fudud looga adkaado dagaalameyaasha Al-shabaab.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay hubka ku jira gacanta shacabka, isaga oo sheegay in ka go’antahay dowladda sidii hubku ugu jiri lahaa gacanta dowladda.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii Abriil 1992 cune-qabateynta hubka saaray Soomaaliya, markaasi oo uu billaawday dagaalkii sokeeye.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale dhammaadka sannadkii hore u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, muddo ku eg illaa 15-ka November 2023, markaasi oo mar kale dib u eegis lagu sameyn doono.