Somali News

Nabadoon caawa lagu dilay degmada Afgooye.

Afgooye-KNN-Koox hubeysan ayaa goordhow waxaa ay xaafada Godey oo ka tirsan degmada Afgooye ku dileen mid ka mid ah nabadoonada ugu caansan degmadaasi.


Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jirey Xayeesi Mursal, Waxaana uu qeyb ka ahaa ergadii soo doortey xildhibaanada Baarlamaanka soomaaliya ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed soomaaliya.

Kooxda dilka gaysatay ayaa waxaa la sheegay in wateen Mooto, iyagoona markii ay dilka fuliyeen kadib ku baxsaday Mootadaasi.

Ciidamada amaanka ayaa caawa waxaa ay baaritaano ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Afgooye.