Somali News

Nabadoon garsoor u doontay Al-Shabaab oo la xiray

Muqdisho-KNN-Nabadoon Axmed  Cali oo loo yaqaano (Axmeey) kana mid ahaa ergooyinkii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in haatan lagu la’yahay deegaanka Luuqjeelow oo ay maamulaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Nadoonka isaga uu lugihiisa ugu tagay Al-Shabaab, isagoo cabasho ah,garsoorna raadinaya, kadibna Shabaabkuna ay aqoonsadeen sidaasina ay ku xirteen.

Qaar ka mid ah ehelada Nadoonka oo aan la xiriirnay ayaa I noo sheegay in 72-dii saac ee la soo dhaafay uu ku jiray Gacanta Al-Shabaab, islamarkaana markii ugu war dambeysay inta laga qaaday luuq jeelow, ayaa la sheegay in loo ka xeeyay deegaanka Bu’qaqable.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii uu muran dhex maray Gabar uu isaga dhalay iyo Seygeeda, iyadoona labadooda dacwad u doontay Al-Shabaab, kadibna lagu amray in ay u yeeraan aabayaashooda, sidaasi darteedna uu nadoonka u doodaya gabadhiisa halkaasi lagu xiray.