Somali News

Nin ajnabi ah oo lagu dhaawacay xabsiga dhexe ee Xamar.

Muqdisho-KNN-Wararka ay heshay KNN ayaa sheegaya in Xabsiga dhexe ee Muqdisho lagu dhaawacay nin u dhashay dalka Biritan oo toddobaadkii hore loo gudbiyey xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, kadib markii lagu eedeeyey inuu halis geliyey amaanka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa la tilmaamay inay weerareen laba ka tirsan maxaabiista xabsiga oo lagu helay dambiyo la xiriira argagixisanimo, sida ay KNN u sheegeen dad goobgoogayaal ah.

Thomas oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa waxaa dhaawac fudud uu kasoo gaaray weerar Sakiin ah oo loo adeegsaday.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay madaxda xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.