Somali News

Ninkii dhowaan Xaaskiisa gubay oo la keenay Muqdisho

Waxaa Garoonka Aadan Cadde laga soo dejiyay Eedeysabe Sayid Cali Macalin Daa’uud oo loo haysto dilka Marxuumad Luul Cabdicasiis oo jimcihii u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab la qabad siiyay.

Marxuumadda ayaa 26ka bishii hore ee janaayo lagu gubay hoygeeda oo ku yaalla Degmada Dharkinleey ee Gobolkaan Banaadir.

Eedeysane Sayid Cali Macalim Daa,uud ayaa shalaay gelinkii dambe laga soo qabtay Deegaan lagu magacaabo Cadaleey oo isku xira Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Waxaana lala soo qabtay laba ruux oo la sheegay in ay ku gacansiiyeen ka baxsashadiisa Muqdisho.