Somali News

Ninkii loo haystay weerarkii New Zealand oo xukun lagu riday

Muqdisho-KNN-Ninkii lagu tuhunsanaa in uu ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday labo masjid oo ku yaalo magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa lagu xukumay agagaxisnimo sida ay boolisku sheegeen.

Brenton Tarranta oo u dhashay dalka Australia ayaa ah shaqsiga kali ah ee loo hayso in uu ka danbeeyay weerarkii labada masjid oo ay ku dhinteen 51 ruux.

Tarrant ayaa haatan wajahaya eedeemo sheegaya in tobonaan ruux uu dilay intii uu socday weerarkii kadhacay dalkaasi 15’kii bishii March.

Waa markii ugu horeesay oo dalka New Zealand ruux lagu xukumo fal argagaxisno tan iyo markii uu dalkaasi yeeshay sharcigan argagaxiso ladirirka.

Bishii aynu kasoo gudubnay ee April ayay ahayd markii Baarlamaanka dalka New Zealand ay meel mariyeen sharci dalkaasi kamamnuucaya qoryaha daran dooriga u dhaca si looga hortago weeraro kale oo dalkaasi kadhaca.