Somali News

NISA oo gacanta ku dhigtay nin boorso qaraxyo ah watay

Hay’adda nabad sugida Soomaaliya ayaa goor dhow shaacisay in la qabtay qof watay boorso ay ku jiraan walxo qarxa oo loo waday degmada C/casiis ee G/Banaadir.
Nabad sugida ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirka qofka iyo boorsada ay sheegtay inay walxo qarxa ku jiraan.
Halkaan ka akhriso qoraal NISA kasoo baxay.

Ciidanka NISA ayaa Fashiliyay Boorso lagu soo qaaday waxyaabaha Qarxa kaasi oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Degmada Cabdicasiis ee gobalka Banaadir.

Ciidanka NISA ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Ninkii waday Boorsada ay ku jireen waxyaabaha Qarxa.