Somali News

NISA oo sheegatay soo qabashada Nin ka tirsan Daacish

Muqdisho-KNN-Ciidamada amaanka ayaa sheegay in degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir baaritaano ay ka sameeyeen ku soo qabteen Nin ka tirsan Daacish.

Qoraal lagu daabacay Twitter-ka ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA , ayaa lagu yiri “Hawlgal 24kii bishaan ciidamada amnigu ka fuliyey degmada hawlwadaag ee magalada Mogadisho ayaa laguso qabtay dhagarqabe katirsan ISIS.
Ciidanka amnigu wuxuu siiwadi doonaa hawlgalada ka dhanka ah xubnaha argagixisada AS iyo ISIS, kuwaas oo ku hawlan dhibateynta shacabka.”

NISA sooma bandhigin magaca ama Sawirka Ninkaas ay sheegeen in ay Howlwadaag ka soo qabteen Ciidamada ammaaka.