Somali News

NISA oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka ayaa magalaada Muqdisho ku Qabtay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab, kaasi oo lagu magacaabo Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxiyadiin Daqare).

Qoraal ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ninkan uu kamid mid ahaa Gacanyarayaasha Horjooge Axmed Diiriye.

“Horjoogayaan oo si wayn loogu raadjoogay ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho xili uu si dhuumaalaysi ah ku soo galay. Horjooge Muxudiin daqare ayaa ka soo howlgalay Gobalada, Bay, Galgaduud Mudug iyo SHabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.