Somali News

NISA oo sheegtay in la xiray nin sheegtay in uu ka tirsanyahay hay’ayaddan

Muqdisho-KNN-War kasoo baxay hay’adda Nabad sugidda iyo  Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay in la xiray nin sheegtay in uu ahaa taliyaha NISA ee Jubaland.

Ninkan oo magaciisa ay NISA ku sheegtay Daadir Mire Ducaale waxa ayna hay’addu sheegtay in ninkani uu watay waraaqo been abuur ah, kuwaa uu ku sheeganayo in uu yahay taliyaha Jubaland ee hayadan.

Daahir Mire Ducaale ayaa dhawaan waxaa laga soo celiyay magaalada Kismaayo, xilligaana waxa uu halkaa ku tagay inuu yahay taliyaha NISA ee Jubaland, waxaana la socday nin la sheegay in uu ahaa ku xigeenkiisa.

Arintan ayaa siweyn loo hadal hayay maalmihii ina dhaafay, balse waxaa ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo ay ka hadashao NISA.