Somali News

NISA oo sheegtay in xilka laga qaaday hoggaamiyaha Al-shabaab

Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa waxaa ay shaacisay in xilkii laga qaaday hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyd, kaasi oo la sheegay inuu xanuunsanayo, xili ay xusid mudan tahay inuu khilaaf xooggan uu u dhexeeyo Axmed Diiriye iyo Mahad Karataay.

War qoraal ah oo lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee NISA ayaa sababta lagu sheegay in ay tahay khilaaf soo kala dhex-galay kooxda.

Nisa ayaa sheegtay in xilka hoggaamiyaha Al-shabaab, si KMG ah loogu dhiibay nin lagu magacaabo Abuukar Aadan, kaasi oo ahaa ku xigeenka Axmed Diiriye.


“Sababo caafimaad awgeed Awooddi Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda xilkii laga qaaday, si KMG ah loogu wareejiyay, Abuukar Aadan oo ah Kuxigeenkiisa xilkaasi lagu wareejiyay, iyadoo loolan culus uu ka dhaxeeyo garabka Mahad Karateey iyo garabka Axmed Diiriye oo loogu hardaaya sidii loo magacaabi lahaa hoggaamiye cusub”.

Nisa ayaa mudooyinka dambe soo bandhigaysay khilaafka u dhexeeya hoggaanka ugu sareeya Al-shabaab.