Somali News

Nuxurka khudbaddii James Swan uu ka jeediyay shirka Golaha Ammaanka

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Ammaanka waxaa uu u gudbiyey warbixin ku saabsan halka uu marayo geedi socodka doorashada, iyo rabshadihii maalintii jimcaha dhexmaray ciidamada dowladda iyo midowga musharixiinta.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in qaabka ugu habboon ee Soomaaliya si deg deg ay u qaban karta doorasho ay tahay dhameystirka heshiiskii 17- Ka September ee madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ay ku gaareen magaalada Muqdisho.

“Waxay taasi( heshiiska September 17) yareyneysaa dib u dhac hor leh uu ku yimaada xilliga kala guurka afartii sanaba mar la qabto”, ayuu yiri Jamaes Swan oo maanta xaaladda Soomaaliya warbixin ka siinyay Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay.

Waxa uu sheegay in loollalnka afka uu sii saa’idayo, isla markaana dhacdadii 19-ki Febraayo ay carqaaladaysay shirarkii lagu qaban laha a Muqdisho ee lagu dhamaystiri lahaa heshiiska September 17.

Waxa uu sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay labada mamaul ee Jubaland iyo Puntland ugu soo biiri ahaayeen wadahadallada.

Waxa uu ku celiyey inaysan aqbalayn doorashooyin qayb ah, kuwo is garab socda iyo kuwo gaar ah toona, waxaana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay wada hadlaan.