Somali News

OCHA oo ka deyrineysa xaaladda nolol xumi ee ka jirta Xudur

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubbaridka gar-gaarka ee OCHA ayaa ka deyrineysa xaaladda cunto ee magaalada Xuddur.

OCHA waxay sheegtay in raashinka uu gabaabsi yahay kadib markii magaalada ay gashay wax u muuqda  go’doon, taana ay sababtay in sicirka uu sare u kaco.

OCHA waxay tilmaamtay in ay cabsi ka qabto in xaaladda ka jirta Xuddur ay sii murjiso dhibaatada bani’aadanimo ee horay uga jirtay deegaankaas.

Waxay ugu baaqday maamulka koofur galbeed iyo hey’adaha gar-gaarka in ay gacan ka geystaan caawinta dadka xuddur.

Al-shabaab ayaa wadada u gasha oo gubta raashinka ganacsiga loo geeyo magaalada Xuddur waxaana arrintaan ay sababtay in uu yaraado raashinka magaalada la keeni jiray.