Somali News

Odayaal ka tirsana Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isku soo dhiibeen Cali Maqane & Axmed Cali Gadaf oo ka mid ahaa Odayaasha sida dhaw ula shaqeyn jiray Al-shabaab ah ee ku sugan Degmada Ceeldheer & Deegaanka Cowswayne.

Axmed Cali Gadaf ayaa Al-shabaab kala shaqeyn jiray lacag arruuinta Dadka ku nool Deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud.

Cali Maqane oo in mudo ah u shaqeeynaayay Al-shabaab waxaa uu u ahaa Oday Dhaqameed ama (NAQIIB), isaga oo sidoo kale lacagaha u aruurin jiray.