Somali News

Odyaal baaq u diray Beelo ku dagaalamay Gobolka Galgaduud

Muqdisho-KNN-Wararka nagasoo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan, in magaalada Dhuusamareeb ay kulan ku yeesheen Odayaasha Dhaqanka iyo waxgarad kasoo jeeda Gobolka Galgaduud, gaar ahaan kuwa beelihii dhawaan ku dagaalamay degmada  Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa ujeedka kulankoodu waxa uu ahaa,nabadaynta dagaal beeleed maalmahan ka taagnaa degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud,waxa ayna baaq nabadeed  usoo jeediyeen beelihii halkaasi ku dagaalamay in ay soo afjaraan colaadda u dhaxeysa, waxa ay intaa ku dareen in ay tabashooyinka ay kala qabaan ku dhammeeyaan wadahal .

Si kastaba, colaad beeleedkan ayaa salka ku haya aanooyin qabiil, iyadoo ay marar badan kusoo noqnoqotay qaybo ka tirsan deegaanada Galgaduud .