Somali News

ONLF oo ku dhawaaqday xabad joojin

Nairobi-KNN-Jabhadda ONLF ee ka dagaalanta dhulka Soomaali galbeed ayaa maanta waxa ay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah.

Xabad joojintan ayaa jabhaddu waxa ay kaga dhawaaqday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kadib qoraal ay jabhaddu soo saartay waxa ayna bilaabaneysaa maanta oo ku beegan 12-ka bishan Agoosto.

Xabad joojintan halka dhinac ah, ONLF waxa ay sheegtay in ay xal u aragtay, walina dowladda Itoobiya kama hadal arinkan.

Xaaladda ay ku dhawaaqday ONLF ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xilli dhowr asbuuc oo xiriir ah uu qalalaase ka jiro deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ay heysato.