Somali News

Prof. Cali Khaliif oo ka digay in kacdoon dhalinyaro uu ka dilaaco Somaliland

Muqdisho-KNN-Cali Khaliif Galayr oo horey usoo qabtay xilal kala duwan oo ay ugu dambeysay xilkii madaxweynimo ee Maamulkii la magac baxay Khaatuma State ayaa ka dhawaajiyey inay Somaliland halis ugu jirto Kacdoon.

Cali Khaliif ayaa hadalkaan ka sheegay shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo ahaa furitaanka shirka golaha dhexe oo ka furmay Hargeysa.

Galeyr ayaa xusay in ay Somaliland qarka u saaran tahay kacdoon Dhallinyaro isagoo sii raaciyey in haddii aan wax laga qaban la is waydiin doono halka uu ku dambeeyo masiirka reer Somaliland, waxuuna xukuumadda ku eedeeyay  in aysan wax tixgelin ah siin dhallinyarada aqoonyahanada ah ee soo baxa Jaamacadaha, taas oo sida uu sheegay sababtay in ay dhalinto ku dhamaato badaha caalamka.

“Ma dooneyno Somaliland ay leedahay hal reer, balse waxaa u baahanahay Somaliland la wada leeyahay” ayuu yiri Cali Khliif.