Somali News

Puntland iyo Galmudug oo ka shiray amniga Gaalkacyo iyo Go’aamo laga soo saaray

Maamulada Gobalka Mudug ee maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa waxa ay maanta kulan la qaateen qaybo kamid ah Ganastada labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo.

Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa iskaashiga xoojinta xiriirka Nabadda Gaalkacyo, Wada shaqeynta Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Ganastada, kor u qaadida Bilicda iyo baneenta suuqa bartamaha magaalada.

Kulanka Waxaa sidoo kale Goob joog ahaa saraakiil kasocotay Ciidanka Xasalinta magaalada Gaalkacyo, Agaasimaha Madaxtooyada Gaalkacyo, Isuduwaha Wasaaradda Ganacsiga Puntland ee Gobalka Mudug, agaasimaha Canshuuraha Bariga Gobalka Mudug,

Gabagabadii Kulanka ayaa waxaa laga soo saaray Qado dhowr ah ay kamid yihiin .

  1. In la dhiso guddi ka kooban labada Maamul degmo iyo Ganastada suuqa dhaxe oo ka shaqeyn doono dib u habeenta suuqa bartamaha magaalada Gaalkacyo.
  2. In laga fogaado wax walba oo wax u dhimi kara Nabada Gaalkacyo.
  3. in la sii Xoojo kulamada Nababada iyo isdhex galka bulshada Gaalkacyo.
  4. In si wada jir ah looga wada shaqeeyo bilicda iyo nadaafada magaalada Gaalkacyo.
  5. iyo in loo sameeyo meelo ku Ganacsadaan ganacsatada danyarta ah ee ku ganacsada bartamaha suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo. .