Somali News

Puntland oo amar dul dhigtay siyaasiyiinta Mucaaradka ee tagay Garoowe.

Garoowe-KNN-Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in Taliyaha Booliska Puntland uu mamnuucay in aan abaabulan axsaab lagu sameyn karin Garoowe inta ay ka dhamaaneyso caleyma saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in siyaasiyiinta mucaaradka ah ee gaaray Garoowe loo sheegay in aysan furneen is eedeeyn iyo in xafladda la isku weeraro, balse loo yimid kaliya ka qeybgalka Caleyma saarka.

Madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , madaxda maamul gobaleedyada iyo siyaasiyiin kale ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe.

Beri ayaa waxaa lagu wadaa inuu Magaalada Garoowe uu tago madaxweyne Farmaajo oo wafdi hordhac u ah ay ku suganyihiin Magaaladaasi.