Somali News

Puntland oo farriin u dirtay 14 kamid ah shaqaalaha QM

Xeer ilaalinta dowlad goboleedka Puntland ayaa shaacisay magacyada 14 qof oo ka tirsan Shaqaalaha hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo bixin waayay canshuurta ku waajibtay.

Ku xigeenka xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe, ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabi doono shaqaalaha magacyadooda la shaaciyay, haddii aysan bixin Canshuurta ku waajibtay.

Xeer Ilaaliye ku xigeenka Puntland ayaa shaqaalahaas u qabtay mudda shan maalmood ah, in ay ku bixiyaan Canshuurta laga bilaabo Khamiista berri ah, haddii kalena dhammaantood xabsiga loo dhaadhicin doono.

Magacyada shaqaalahan ayaa waxaa ay kala yihiin:

1: Xamdi Cabdiraxmaan Cali oo u shaqeysa UNDP

2: Axmed Xasan Maxamed oo u Shaqeeya UNDP

3:  Cabdinaasir Maxamed Xasan oo u Shaqeeya  UNDP

4: Maxamed Maxamuud Gees  oo u Shaqeeya  FOA

5: Naciimo Saciid Faarax  oo u Shaqeysa UNDP

6:  Cali Cabdullaahi Cali Faarax  oo u Shaqeeya  UNDP

7:  Abshir Yaasiin Saalax oo u Shaqeeya  FAO

8: Seytuun Cartan Awaare oo u Shaqeeysa  UNDP

9: Cawil Cabdinuur Yuusuf oo u Shaqeeya UNDP

10: Cabduqaadir Maxamed Muuse Beeldaaje oo u Shaqeeya  FOA

11: Muqtaar Maxamed Jaamac oo u Shaqeeya  WFP

12  Maxamed Maxamuud  Xasan oo u Shaqeeya  FOA

13: Maxamed Cali Ibrahim oo u Shaqeeya FOA

14: Barqad Shire Yuusuf FOA