Somali News

Puntland oo gacanta ku dhigtay shabakad iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada  Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay  ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi.

Howlgalka inta uu socday ayaa lagu soo  qabtay shabakad ka tirsan Al-shabaab oo dilal ka gaystay gudaha magaalada, kuwaas oo ka kooban todoba xubnood.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay sidoo kale nolashada lagu qabtay  laba sarkaal oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Shabakadda la qabtay ayaa qirtay in ay ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Gaalkacyo tan iyo sannadii 2018, waxaana weli ku socda baaritaan, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland.

Sidoo kale saraakiisha Puntland ma aysan soo bandhigin magacyada iyo sawirada xubnaha  howlgalka lagu soo qabtay, balse waxaa ay sheegeen in maxkamad la horgeyn doonaan.