Somali News

Sawirro:- Puntland oo Garoowe ku gubtay Khamri & Xashiish badan

Howlgallo ay laamaha ammaanka Gobolka Nugaal ay sameeyen ayey u suurtagashay in ay kusoo qabtaan waxyaabaha maanka dooriya sida khamri fara badan iyo Xashiis, kuwaas oo qaarkood la iibiniyay halka kuwa kalena laga ganacsanayay.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal iyo Gudomiyaha gobolka oo ay weheliyaan xeer ilaalinta Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal iyo Culima’udiinka Magaladda ayaa meel fagaaro ah ku burburiyay khamri gaaraya 100 dhalo oo DRY GIN ah iyo Khamriga gudaha dalka lagu farsameyo ee loo yaqaano Calaqda iyo Xashiish, kuwaas oo tiro badan.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa sheegay in xashiishkan qaar ka mid ah sidii hadyadii loo soo farsameyay oo la rabay in ciidamada lagu khaldo, halka kuwo kalena gaari yar daqadihiisa lagu soo qariyay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in har iyo habeen ciidamadu u tagan yihiin la dagaalanka Mandooriyaha wuxuuna xusay in bulshadana looga bahan yahay inay ciidamada garabsiiyan oo xogta la soo wadagaan.

Ugu dambeyn, Taliye Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay ciidamadii Mandooriyahan soo qabtay iyo Sarakiisha ciidamada, isagoona faray in shaqada sii laba jibaraan.