Somali News

Puntland oo iclaamisay waqtiga la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah.

Garoowe-KNN-War qoraal ah oo ka soo ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland ayaa waxaa looga hadlay  waqtiga la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare degaannada Maamulkaasi.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland, ayaa lagu sheegay in imtixaanka shahaadiga la qaadi doono, inta u dhexaysa 25-ka iyo 30-ka bisha May ee sannadkan 2019.

Waxaan la wadaagaynaa dhammaan ardayda, maamulayaasha, waalidiintaba in imtixaankii sannad- dugsiyeedka 2019 ee Puntland uu dhacayo 25ka ilaa 30ka bisha May 2019 ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa ku amartay, dhammaan maamulayaasha iyo macallimiinta iskuulada, in ay dhammaystiran muqarrarka maddooyinka ka hor wakhtiga loo cayimay imtixaanka.