Somali News

Puntland oo mamnuucday in ciidanka Col.Caare ay hub la galaan G/Bari.

Qardho-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalada Qardho ee Gobalka Bari ayaa sheegaya in Maamulka puntland uu deegaanadiisa ka mamnuucay ciidamada Jabhadda uu hogaamiyo Corneal Siciid Cawil Jaamac (Caarre) oo maalmihii dambe saldhig ciidan ku lahaa  duleedka magaaladaasi.

Arintan ayaa loo sababeeyay sidii loogu hortagi lahaa  hubka ay ciidamada Corneal Caarre la galaan deegaanada maamulka puntland.

Maamulka Gobalka Bari iyo kan Degmada Qardho ayaa la sheegay in Korneyl Caarre ay ka dhaadhiciyeen in ciidankiisu ay ku joogaan duleedka Magaalada Qardho, islamarkana aysan ciidanka soo geli Karin Magaaladaasi.

Amarkan ayaa ka dambeeyay kadib markii maalmihii dambe Jabhadda uu hogaamiyo Corneal Siciid Cawil Jaamac (Caarre) ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen deegaano hor leh oo ka tirsan deegaanada Soomaaliland.