Somali News

Puntland oo shan Nin oo kufsi geestay dil ku xukuntay

Muqdisho-KNN-Sida ay ku dhawaaqayn Mas’uuliyiinta Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Gobolka Nugaal ee Puntland waxaa dil toogasho ah lagu xukumay nin oo la sheegay in ay kufsi ka geesteyn Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka

Maxamed Xareed Faarax oo ah Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee  Puntland ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday dhalinyaradaan.

Ragaan waxay kufsiga ka geesteen Gaalkacyo bishaan bilaawgeeda waxaana arintaasi ay walaac ku beertay dadka reer Gaalkacyo. Arintaan ayaa rajo gelineysa ehelada Caasho iyo kuwa kale oo sugaya Xukunka laga gaari doono dadkii dilka iyo kufsiga isugu daray Caasho Ilyaas oo 12 sano jir aheyd.