Somali News

Puntland oo sheegtay in ay dishay xubno ka tirsan kooxda Daacish

Ciidamada Pundland ayaa soo geba-gabeeyay howgal  qaatay 48-saac oo ay ka sameeyeen deegaanada Baraagaha, Madax-madow iyo Dhabancaddo oo ku yaalla Buuraha Cal-miskaat oo  hoostaga degmada Balidhidin ee gobolka Bari.

Ciidamada ayaa howlgalka ka fuliyay saldhigyo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Daacish.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa sheegay in ay dileen 24 xubnood oo ka tirsanaa dagaalamaasha Daacish,isla markaasna guulo ku soo hoyeen howlgalka.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay gubeen laba gaari  oo ay ku xireen Daacish qaraxyo diyaarsan, oo ay doonayeen in ay soo geliyaan magaalada Boosaaso.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in ay burburiyeen saldhigyo ay Daacish halkaasi ku lahaayeen, kuwaasi oo ay ku kaydsanaayeen sahay iyo saanad ciidan.

Dhinaca kale saraakiisha ayaa sheegay inta uu howlgalka socday in dhinacooda uu soo gaaray khasaare, balse ma caddeyn tirada uu la egyahay.