Somali News

Puntland oo Sheekh Rusheeye ka hor istaagtay inuu ka howlgalo Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa Sheekh Rusheeye looga joojiyay howlihiisa rusheynta oo uu ka bilaabay magaalada Galkacyo.

“Sheekh Rusheeye waa in uu joojiyaa hawlaha rushaynta ee uu doonayo inuu Gaalkacyo ka fuliyo, uusanna bilaabi karin inta laga xaqiijinayo ujeedada dhabta ah ee howsha uu dadweynaha u qabanayo” ayaa lagu yiri warqadda.

Sheekh Cabdullxaaq Rusheeye oo wata gaadiid uu qalabkiisu ugu raranyahay ayaa shalay gaaray magaalada Galkacyo, isagoo sheegay in howlihiisa uu ka bilaabi doono magaaladaas.