Somali News

Puntland oo Tiro koob ku sameynaysa dadka degan Gaalkacyo.

Gaalkacyo-KNN-Duqa degmada Gaalkacyo Ee Puntland Yaasiin Cabdi Samad oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tiri koob lagu sameynayo shacabka iyo guryaha ku yaalla Magalada Gaalkacyo si loo xaqiijiya Amaanka Magalada, Islamarkana lala socda wixii ku soo kordha magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu shacabka ka dalbaday in ay  la shaqeeyaan ciidamada amaanka ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobaka Mudug.

Sidoo kale Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa wacad ku  maray in cidii ka hortimaada qorshahan tilaabo adag laga qaadi doono.

Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta Puntland ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan koox ku hubeysan bistoolad.