Somali News

Puntland oo war ka soo saartay doorashada ka dhacaysa Garoowe.

Garoowe-KNN-Taliyaha ciidanka booliiska Puntland Jeneraal Muxiyadiin Axmed Muuse oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in wixii ka bilowday 5 galabnimo aan gaadiidka soo geli Karin gudaha Magaalada Garoowe.

Sidoo kale Taliya ayaa sheegay in inta bandowga uu socdo aysan jiri doonin cid loo ogolaanayo inay magaalada soo gasho marka laga reebo mas’uuliyiinta xasaanadda leh iyo musharaxiinta.

Dhaq dhaqaaqda dadweynaha ayuu sheegay in la xakaleyn doono inta ay doorashada dhacayso.

Amaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona ciidamo badan Wadooyinka waa weyn ee Magaaladaasi.

Beri ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Maamulka Puntland.