Somali News

Puntland”Ma aqoonsan doono madaxweyne Farmaajo, haddii uu dhamaado muddo xileedkiisa”

Dowlad goboleedka Puntland ayaa shaacisay, in laga bilaabo Isniinta berri ah aysan aqoonsanayn madaxweyne Farmaajo, maadaama ay dhammaatay mudadii xil-hayntiisa ee sharciga ahayd.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde, ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumadda Puntland ay madaxweyneFarmaajo u aqoonsan doonto mas’uul hore, islamarkaana ugu yeeri doonto “madaxweynihii hore ee dalka“.

Wasiir Tima-cadde ayaa madaxweynaha dalka ku eedeeyay fashilka ku yimid Shirkii Dhuusamareeb, kaas oo natiijo la’aan ku dhammaaday, kadib markii dhinacyadu is-faham gaari waayeen.

Sidoo kale, wuxu madaxda dowlad goboleedyada dalka raalli-gelin ka siiyay hadalkii madaxweyne Farmaajo ku sheegay in Siciid Deni oo keliya uu qortay Heshiiskii Arrimaha doorashada ee 17-kii September.