Somali News

Qaadkii ugu badnaa oo maanta lagu gubay magaalada Qardho

Qardho-KNN-Qaadka aad u badan ayaa maanta lagu gubay fagaare ku yaalla duleedka magaalada Qardho ee gobolka Bari, kaas oo si dhuumaaleysi ah lagu soo geliyey magaalada, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Puntland ee degmada Qardho.

Halka lagu gubay qaadkan waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha degmada Qardho iyo saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Puntland ee ka howlgala halkaas.

Mas’uuliyinta ku sugneyd goobtaas oo warbaahinta la hadlay ayaa si weyn ugu digay ganacsatada qaadka soo geliya magaalada Qardho, waxayna kula dardaarmeen in aan qaad dambe kharash la iska gelin, maadaama aan laga ogoleyn deegaanada maamulka Puntland.

Puntland ayaa horay amarro uga soo saartay maandooriyaha uu qaadku ku jiro in aan lasoo gelin karin deegaanadeeda, waxaana la amray in ciidamada ammaanku ay xiraan xuduudaha ay Puntland la wadaagto dowlad deeganka Soomaali Galbeed iyo Somaliland, in kastoo go’aankaasi uusan weli dhaqan gelin, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Punland.

Maalmihii lasoo dhaafay inta badan magaalooyinka Puntland waxaa lagu gubay qaad la sheegay in si dhuumaaleysi ah lagu soo geliyey magaalooyinkaas oo ay ka mid yihiin Boosaaso, Garowe, Qardho iyo kuwo kale.