Somali News

Qaar ka mid ah Madaxda maamul Gobleedyada oo maanta gaaray Garoowe

Garoowe-KNN-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka Puntland.

Sidoo kale Waxaa isna gaaray Magaalada Garoowe Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Amaanka ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad fara badan, kuwaasi oo xaqiijinaya amniga Magaaladaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madax ka tirsan Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta ay gaaraan Magaalada Garoowe.

Beri ayaa waxaa magaalada Garoowe ka furmi doono shir u dhexeeya Dowladda dhexe iyo kuwa Maamul gobaleedyada.