Somali News

Qabanqaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxwaynaha oo Muqdisho ka socoto

Muqdisho-KNN-Guddiga isku dhafka ah ee labadda aqal ee  doorashada madaxweynaha ayaa wada diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha oo maanta ka dhaceyso Teendhada Afisyooni ee Magaalada muqdisho.

Guddiga ayaa ku diyaariyay goobaha loo asteeyay in lagga gallo xarunta Afisyooni gawaariddii qaadi lahayd maanta Musharixiinta madaxweynaha iyo sidoo kale basaskii iyanna qaadi lahaa Xildhibaanada Labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidamada howlgalka ATMIS ee loo aran jiray AMISOM ayaa kacanta ku heeyo Hoolka Afisyooni iyo guud ahaanba xeeyndaab xalanne, waxaana ku wehliyo Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo aan hubeeysneeyn.

Ciidamada ATMIS ayaa weeydinaya qofka gelayo Xeyndabka xalanne aqoonsigiisa Iyo waxa uu yahay, mana jirto Cid aan la hubin oo halkaasi geleeyso xitaa Musharixiinta Madaxweynaha iyo Xildhibaanada Labada aqal.

Dhanka kale, waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo kala duwan oo u dhaxeeyo siyaasiyiinta xil doonka ah, iyo Xildhibaanada labada aqal kuwaas oo safaf dhaadheer ugu jiray Halka ay deganyihiin Musharixiinta ugu tanka weeyn doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Doorashadaaan oo ay isha ku hayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed ee joogta dal iyo dibad ayaa ka adag marka loo eego doorshoyinkii hore ee dalka ka dhacay, waxaan u tartameeysa ku dhawaad 35 Musharax.