Somali News

Qadar oo ku baaqday xiriir dhexmara Khaliijka Carabta iyo Iiraan

Dowladda Qadar ayaa dowladaha Khaliijka u soo bandhigtay inay wadahadal diblumaasiyadeed la yeeshaan dowladda Iiraan.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Qadar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa telefishinka Bloomberg  wareysi uu siiyay ku sheegay “in dowladda Qadar ay ku rajo weyn tahay in taasi dhacdo”.

“Tani waa rabitaanka qaar kamid ah wadamada Iskaashiga Carabta ee ah wada hadal lala yeesho dowladda Iiraan ”ayuu yiri Sheikh Mohammed.

Dalka uu xafiiltamaan xooggan kala dhaxeeyo Iiraan ee Saudi Arabia ayaan weli ka hadlin baaqa dowladda Qadar ee ah wadahal lagu dhameeyo khilaafka bariga dhexe.

Dowladaha Khaliijka ayaa dowladda Iiraan hore ugu eedeeyay  inay qalalaase ka waddo Bariga Dhexe, isla markaasina ay taageerto kooxaha argagixisada balse Iiraan ayaa beenisay dhammaan eedahaasi.