Somali News

Qaramada Midoobey iyo DFS oo ku baaqay in la badbaadiyo Shaqaalaha Samafalka

Muqdisho-KNN-Dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la ilaaliyo shaqaalaha gargaarka bixiya ee loogu talagalay carruurta nugul, haweenka iyo ragga..

Isu-duwaha gargaarka bini aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mr. Adam Abdelmoula ayaa yiri “Sanadkan, maalinta bani’aadamnimada Adduunka ayaa timid xilli xasaasi ah.Bulshada bani’aadamnimada waxay ku qiyaaseen 5.2 milyan oo qof inay u baahan doonaan gargaar iyo ilaalin sannadka 2020, laakiin xaaladdu waa ka sii daraysaa. Haddii aan la helin gargaar joogto ah, 3.5 milyan oo qof ayaa ku guul darreysanaya inay daboolaan baahidooda ugu yar ee cunnada marka la gaaro Sebtember. Intaas waxaa sii dheer, waa inaan u beddelnaa hannaanka si loo helo xal waara oo gacan ka geysan kara dhisidda adkeysiga, dadkana saboolnimada looga qaado,”


Intii lagu gudajiray qeybtii hore ee 2020, 141 dhacdo ayaa lagu soo warramey in ay ka soo gaareen shaqaalaha howlaha samafalka Soomaaliya dhammaadkii bishii Julay.

 Sidoo kale waxaa la sheegay in 45 ka mid ah shaqaalaha bixiya samafalka ayaa la kulmay dhibaatooyin ay ka mid yihiin dil, dhaawacyo, iyo afduub loo gaytay

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Xamsa Xiciid Xamsa  ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliyeed, sii wadida iyo howlaha aan kala go’a lahayn ee ay u hayaan aadanaha. “Waxaan rabaa inaan sameyno xusuuso u gaar ah shaqaalaha samafalka ah ee Soomaaliyeed ee laf dhabar u ah howlaha bini’aadanimo ee dalka.”