Somali News

Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Pakistan

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 8 ruux ayaa dhimatay halka inkabadan 24 ruux oo kalana ay dhaawacmeen kadib markii qarax xoogan uu ka dhacay bariga magaalada Laahoor ee dalka Pakistan.

Qaraxa ayaa dhacay galinkii hore maanta oo Arbaca ah iyadoona sida ay wararku sheegayaan bartilmaamydka qaraxu uu ahaa gaari kamid ah kuwa booliska oo marayay magaalada labaad ee ugu wayn dalkaasi.

Taliyaha booliska ee Gobolka ayaa warfidiyeenada u sheegay waxyar uun kadib markii uu qaraxa dhacay in ay dhinteen sideed ruux oo shan kamid ah ay yihiin  boolis.

Wali waxaan baaritaan ku haynaa in Qaraxu uu ahaa mid dhulka lagu aasay iyo mid ismiidaamin ah sidaas waxaa yiri Ashfaq Ahmed oo ah taliye sare oo katirsan booliska.

Afhayeen u hadlay laamaha gurmadka oo lagu magacaabo Muhammad Faaruuq, ayaa Tv’ga Aljazeera u sheegay in shan kamid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu halistahay haattanna lagu dabiibayo isbitaalka magaalada Laahoor.