Somali News

Qarax caawa ka dhacay Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beydhabo ayaa sheegaya in caawa Bam gacmeed ayaa lagu weeraray gaari uu saarnaa gudoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Beydhabo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu ku dhaawamay hal askari oo ka tirsaneyd ilaalada guddoomiyaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qarax miino uu haleelay gaariga guddoomiyaha

Hadda lama soo sheegin wax dhimasho ah goobta bamka uu ka dhacay waxaa ku gadaaman ciidamada booliska oo halkaasi baaritaano ka wado