Somali News

Qarax Gaari lagu xiray oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Inta la xaqiijiyey labo ruux ayaa dhaawac soo gaaray kadib markii uu qarxay gaari ay la socdeen.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in meel aan ka fogeyn Saldhiga degmada Waaberi uu ku qarxay gaariga waxaana la sheegay in ay ku dhaawacmeen labadii ruux ee wadatay.

Qaraxa ayaa loo maleynayaa in uu yahay mid gaariga loogu xiray dadkii watay.

Wixii kasoo kordha kala soco KNN: