Somali News

Qarax gaari oo caawa ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Qarax Gaari ayaa caawa waxaa uu ka dhacay Afaafta hore ee xarunta Dembi Baarista CID-da ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay in lagu xiray waxyaabaha qarxa,waxaana la tilmaamay inuu lahaa sarkaal ka tirsan hay’ada dambi baarista Soomaaliya, halka wararka qaar ay sheegayaan inuu gaariga qarxay uu lahaa masuul ka tirsan maamulka Galmudug.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in gaariga Qarxay uu watay nin lagu magacaabo Daahir Xasan Xuseen oo ka tirsan wasiiradda maamulka Galmudug, waxaana la sheegay in dhaawac halis ah uu soo gaaray darawalkii watay gaariga.

Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay taliska Booliska Soomaaliya.

Wixii ku soo kordha la soco.