Somali News

Qarax Gaari oo goordhaw ka dhacay Maqaayadda The Village.

Muqdisho-KNN-Qarax ayaa goordhaw ka dhacay maqaayadda The Village qeybteeda ku taala Soobe ee magaalada Muqdisho waxaana Qaraxa ka dib la maqlay rasaas xoog leh.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay iyo nuuca Qaraxa dhacay. Goob joogayala ayaa KNN u sheegay in Qaraxa uu ahaa Gaari lagu soo raray waxyaabaha Qaraxa oo la dhigay baakinka Gaadiidka ee Maqaayadda oo ku taala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa ilaalada Hotelka ayaa riday rasaas badan, toos oo qal qal gelisay dadka shacabka ee ka agdhaw halka uu Qaraxa ka dhacay.

La soco wixii ku soo kordha Qaraxasi