Somali News

Qarax goordhaw Muqdisho ka dhacay

Qarax xoogan ayaa goordhow laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay Wadada 21 October ee Degmada Waabari.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Qaraxa lala eegtay gaariga afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe inkastoo afhayeenku uusan saarneyn gaariga.

Khasaaraha qaraxaan ka dhashay ayaa ah Dhimashada hal qof iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in ay jiraan dhaawacyo soo gaaray dad ka ag dhowaa halka qaraxu ka dhacay.