Somali News

Qarax Goordhow ka dhacay inta u dhexeysa hotel Muna iyo beerta Nabada ee Muqdisho

Qarax laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa caawa waxaa laga maqlay guud ahaan degmooyinka Gobalka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in qaraxa uu ka dhacay inta u dhexeysa nawaaxiga Beerta Nabada iyo hotelkii hore ee Muna, islamarkaana kaabiga Ku haya Hotelka SYL magaalada Muqdisho, madaama halkaasi ay degan yihiin masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona xiray wadooyinka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona bilaabay in halkaasi ay ka daabulaan dadkii Ku waxyeeloobay qaraxa.

Wixii ku soo kordha la soco