Somali News

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Baydhaba iyo khasaare ka dhashay

Baydhaba-KNN-Magaalada Baydhaba ee gobolka Bay waxaa ka dhacay qarax is-miidaamin ah, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxaas waxaa fuliyey qof naftiisa halige ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa, waxuuna ka dhacay maqaayad lagu shaaho oo ku taalla xaafadda  Bardaale ee magaalada Baydhaba.

Qoraal ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Saaka barqadii abaare 11:15 AM, ayaa Qof Naftii-halige ah isku qarxiyay Maqaayad laga shaah cabo oo lagu magacaabo SUWEYS Cafetary ka soo horjeedka SALAAD JEERI Tower Xaafada  Bardaale ee Magaalada Baydhabo, qaraxa ayaa sababay dhimashada 2 qof,  dhaawaca 5 kale.”

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno khasaaraha ka dhashay qaraxaas waxay sheegayaan in ugu yaraan seddax qof ay ku geeriyoodeen, halka dhaawacyadu ay ku dhawyihiin 10 kale.

Sidoo kale wararku waxay intaas ku darayaan in maqaayadda uu qaraxaasi ka dhacay ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Bay, waxaana la xaqiijiyey inuu ka mid yahay dadka ka badbaaday.