Somali News

Qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Kismaayo.

Kismaayo-KNN-Qarax ismiidaamin ah ayaa Goordhow waxaa laga Maqlay Gudaha Magaalada Kusmaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

Qaraxa ayaa ka dhacay Hoteelka  loo yaqaan Cas Caseey iyo Maamuus oo ku dhow Aargada Magaalada Kismaayo, sida uu soo sheegaya wariyaha KNN ee Magaalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyabaaha Qarxa oo lagu dhuftay Iridda Hoteelka, waxaana xigay dagaal toos ah oo ay ku qaadeen Hoteelka dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Warar horudhac ayaa waxaa ay sheegayaan inuu khasaare ka dhashay weerarka.