Somali News

Qarax iyo dadkii waday oo lagu qabtay Marka

Marka-KNN-Ciidanka amaanka ee ka howlgala magaalada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa  sheegay in ay soo qabteen Afar ruux Qarax waday.

Dadka lagu qabtay Qarax ayaa kusoo dhex qariyey Jawaan ay ku jirtay Ganlay, sida ay sheegeen Saraakiisha ka tirsan Ciidanka Xoogga ee kusugan magaaladaas.

Dadka lagu qabtay qaraxaas oo la sheegay in ay ahaayeen Afar ruux ayaa labo kamid ah waxa ay ahaayeen Dumar midu Uur leedahay, halka labada kalana ay rag ahaayeen.

Sidaani oo kale ayaa Todobaadkii hore waxay Ciidamadu Bar Koontorool oo laga galo degmada Marka ku qabteen gaari Dameer Qudaar siday oo lagu soo dhex qariyey waxyaabaha Qarxa, waxaana la sheegay in ay waday Haweeney siweyn looga yaqaanay magaalada Marka oo ka ganacsa jirtay Qudaarta.