Somali News

Qarax ka dhacay Balcad & Khasaaro ka dhashay

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in goordhow uu ka dhacay Qarax khasaaro geystay, xili lala eegtay maqaaxi halkaa ku taal.

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lau Aaso ee meelaha fogog laga hago ayaa waxaa uu ka dhacay Maqaayad ku taalla degmada balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo kasoo horjeeda Xarunta Maamulka degmada balcad, islamarkaana ay inta badan tagaan Xubno kamid ah Shaqaalaha Maamulka degmadaas.

Sida Goob joogayaal ay xaqiijiyeen, xiliga uu dhacayay qaraxa waxaa maqaaxida ku sugnaa dad kale duwan oo iskugu jira Shacab iyo maamulka degmada Balcad, kuwaas oo ka cunteenayay, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, inkastoo dhaawacu badan yahay.

Waxaa haatan socda gurmad loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxa, iyadoo goobta uu qaraxa ka dhacay ay buux dhaafiyaan ciidanka laamaha ammaanka ee degmada Balcad iyo mas’uuliyiin ka tirsan degmada. Waxaase si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha.

Halkaan kala soco wararka kusoo kordha Qaraxaan iyo Khasaaraha ka dhashay.