Somali News

Qarax ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka S/dhexe

Balcad-KNN-Abaanduulaha Guutada Labaad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya Cali Cariif ayaa waxaa uu ka badbaaday qarax loogu xiray gaari uu isticmaalayay.

Qarax lala eegtaya abaanduulaha ayaa waxaa uu qabsaday xilli uu ku sugnaa Gudaha Warashaddii Dharka ee Balcad, waxaana lasoo wariyay in ugu yaraan Shan askari oo ay ku dhaawacmeen, dhismashasa lama soo sheegin.

Ilaa iyo hadda Qaraxan kama eysan hadal Taliska ciidanka ee Gobolka Shabeelaha dhexe iyo waliba Maamulka degmada uu Qaraxani ka dhacay ee Balcad.

Al-Shabaab ayaa Mudooyinkii danbe waxa ay weeraro soo kordhaya ka geeysanayeen degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe iyada oo ay ugu danbeeysay duqeeyn xalay shabaabku ay ku qaadeen Magaaaladaasi.