Somali News

Qarax galabta ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho-KNN- Qarax xoog leh ayaa galabta ka dhacay meel u dhaw Isgoyska taleex ee magaalada Muqdisho waxaana qarax ka dhashay dab xoogleh.

Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in qaraxa uu ahaa mid lagu dhajiyay gaari qooqan ah. Gaariga markii uu qarxayay waxa uu ku jiray baakin meel Banki hortiida ah mana jirto wax khasaaro dhimasho ah oo ka dhashay.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ugu yaraan 4 qof oo shacab ay ku dhaawacmeen kuwaas oo ku sugnaa meel u dhaw gaariga. Lama oga cida gaariga wadatay. Waa qaraxii 5aad ee ka dhaca Muqdisho 15 cesho gudahood.