Somali News

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Qarax gaari lagu xiray ayaa galabta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug, kaas oo ladoonayey in lagu qaarajiyo Taliyaha saldhigga Booliiska ee degmada Gaalkacyo.

Qaraxa ayaa lagu xiray NOHA ah oo uu watay Taliyaha saldhiga Boolika Gaalkacyo ee Galmudug oo lagu magacaabo  Cawil Nuur Rooble, waxaana qaraxaas kasoo gaaray dhaawac culus.

Xiliga uu qarxay gaariga uu watay Taliyuhu ayaa la sheegay in uu marayey Jidka 30-ka ee bartamaha magaalada Gaalkacyo, waxaana dhaawiciisa la geeyey Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamo katirsan Booliska Galmudug ayaa gaaray halka uu qaraxu ka dhacay, waxeyna ka bilaabeen baaritaano  ku aadan cidii ka dambeysay qaraxa gaarigiisa loogu xiray Taliyaha saldhiga Booliska ee degmada Gaalkacyo qeybta ay maamusho Galmudug, walina lama soo warin cid loosoo qabtay kulug lahaanshaha falkaas.